•  
     
     
     
     
     
     
     

    TORONTO Waxaa shalay oo taariikhdu aheed June.28.2009 ,lagu qabtay garoonka caalamiga ah ee loo yaqaan BMO,hoyna u ah kooxda
    kubadda cagta TORONTO FC,cayaaro todobaadka somalida ah ,oo ay soo qaban qaabiyeen Gudiiga SOSCA oo kala,Liban Sharif iyo
    Waxaa cayaartii kowaad dhex martay laba kooxood oo ku kala cayaarayay magacyada SEIF FC iyo IFTIN,cayaartaas oo xiiso gaar ah laheed,ayaa waxay ku soo gabagabowday 0-0

    Cayaartii labaad oo aheed mid si gaar ah loo sugayay ayaa waxay dhexmartay Somalia iyo Ethiopia ,cayaartoydii ku
    cayaareysay magaca Somalia,waxay ka kala yimaadeen kooxaha BANADIR iyo SOMALI UNITED
    Cayaartaas oo aad loo sugayay ayaa ku bilaabatay si xiiso badan,iyadoo dadka inta badan ay filayeen in kooxda ku cayaareysay magaca dalka Ethiopia oo iyadu ku jirtay kooxaha sida joogtada ah uga qeyb galaya tartamada ka dhacay magaaladan Toronto ,ayaa si lama filaan ah waxay cayaar aysan farsamadeeda fileyn kaga hortageen kooxdii ku cayaareysay magaca Somalia,cayaarta qeybtii hore waxay ku dhamaatay 2-0 ay Somalia ku horeysay,iyadoo labada goolba uu u saxiixay Somalia,cayaaryahanka la yiraahdo Guled oo u safta kooxda Somali United,kana mid ah cayaartoyda ka timid dalka UK

    Cayaarta qeybtii labaad markii leysugu soo laabtay ayaa
    waxaa laga dhaliyay goolkii seddexaad ,waxaana somalia u saxiixay cayaartoyda la yiraahdo Kamal oo isna ka tirsan kooxda Somali United,kana yimd dalka UK

    Gudiga SOSCA oo soo qaban qaabisay cayaartan furtaanka ,waxay sheegeen in cayaaraha inta kala ay ka dhici doonaan haddii alla idmo garoonka loo yaqaan SOCCER CITY ,cayaarta FINAL ka ahi waxaa iyaduna ka dhici doontaa garoonka weyn ee caalamiga ah BMO oo hoy u ah kooxda

     
     
    Muqtar Ali Afgoye
    Daawo Wareeysi Lib

    Cayaarihi ay qab teen Gudiga Sosca 2009 Click Here Daawo

     
     
     
    Copyrights 2010 By: Sosca1.com